Maxay tahay sharuuda u adag ee musharixiinta K/Galbeed hortaalla?

Muqdisho (Caasimada Online)-Musharixiinta Koofur Galbeed ayaa la hordhigay Sharuudo badan oo ay kaga mid noqon karaan doorashada 12 maalin kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qaar kamid ah Musharixiinta oo saxaafadda la hadlay ayaa walaac ka muujiyay mid kamid ah sharuudaha la hordhigay Musharixiinta maamul goboleedka Koofur Galbeed ee la tartameysa Shariif Xasan.

Musharax Xasan Xaaji Ibraahim, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay Sharuuda qeexeysa cadadka dhaqaale ee laga doonayo musharaxa u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xasan Xaaji, ayaa sheegay in Musharaxa uusan u tartameynin xilka madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana Sharuudaasi ay tahay mid adag, maadaama qofka ragga laga doonayo 20,000 oo doolarka halka Dumarka laga doonayo 10,000 oo doolar.

12 Maalin kadib sida qorshaha uu yahay waxaa magaalada Baydhabo la filayaa  iney ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo musharixiin badan ay u taagan yihiin.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dareemaya culees kaga imaanaya doorashada sanadkaan maadaama ay la tartamayaan shaqsiyaad la tuhunsan yahay inay dowladda taageero ka helayaan iyo Shaqsiyaad kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com