Sawirro: Wakiilka QM oo la kulmay madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo shalay ay gaareen madaxda Galmudug.

Nicholas Heysom, ayaa la kulmaya madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ka wada hadlaya ka qeyb galka shirka shirka dowladda ku baaqday iyo dhexdhexaadinta Dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo midowga Africa ayaa la kulmay madaxweynayaasha maamulada Dalka, waxaana ugu dambeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Madaxda uu la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa u muuqda inay aqbaleen ka qeyb galka dhexdhexaadinta Soomaalida Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa ku soo dhaweyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir .

Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib ayaa wafdiga soo gaaray Gaalkacyo iyo Madaxda Galmudug waxaa u bilowday shir albaabada u xiran yahay islamarkaana Saxaafada ay dibada ka joogto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com