Dowladda Sacuudiga oo xabsi kasii deysay amiiro

Riyadho (Caasimada Online) – Khaalid Bin Talaal oo kamid ah qoyska boqortooyada Sucuudiga oo horraan loo xiray inuu kasoo horjeeday howlgalka ka dhan musuq maasuqa ayaa lagu soo warramaya in xabsiga laga soo daayay.

Qoyska Khaalid bin Talaal waxay baraha bulshada soo geliyeen sawirro muujinaya dhaxal sugaha oo salaamaya eheladiisa.

Dhaxal sugahan ayaa ah wiilka uu dhalay boqorka Salmaa walalkiis.

Al Waliid oo la dhashay Khaalid wuxuu kamid ahaa tiro dad ah oo kamid ah qoyska reer boqor iyo mas’uuliyiin sar sare oo lagu eedeyay musuq maasuq kuwaaso xabsiga la dhigay sannadkii tagey.

Amiir Khaled walaalkii, Amiir  Alwaleed bin Talal, ayaa ka mid ah 2-boqol oo isugu jira Amiirro iyo Saraakiil sare oo ka tirsan  Boqortooyada iyo dowladda,kuwaas oo muddo sanad ah lagu hayey Hotel ku yaalla Riyadh oo lagu magacaabo Ritz-Carlton.

Dowladda Saudi Arabiya wax faahfaahin rasmi ah kama bixin xaaladda xarigga iyo sii deynta Amiir Khaled.

Amiirada ka tirsan Boqortooyada iyo Saraakiisha kale ayaa la tilmaamay in loo heysto arrimo ku saabsan musuq-maasuq iyo wax isdaba marin.

Wargeyska Wall Street ayaa ku warramay in Khaalid Talaal uu xirnaa 11 bilood kaddib markii la sheegay inuu kasoo horjeeday howlgalkii sannadkii tagey lagu xiray 200 qof oo isugu jiro qoyska boqortooyda, wasiiro iyo ganacsato kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq.

Arrintani ayaa imaaneysa xilli uu cadaadis caalami ah saaran yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan oo ku aadan dilkii loo geystay Jamaal Khaashuqji.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com