Maxaa u sabab ah xiisadda siyaasadeed ee Hiiraan?

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxyaabaha soo celceliyay in si joogta ah xilka looga gaado mid cusubna loosoo magacaabo gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa marar badan xilka looga qaaday sababo aan la shaacin, waxaana gobolkaasi uu noqday gobolka ugu xilka kaqaadista iyo magacaabista badan Hirshabeelle.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in arintaasi ay sabab u yihiin xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle oo cadaadis xoogan uu ka heysto beelaha ay matalaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada kadib ay culees badan soo saaraan wasaaradda arrimaha gudaha, maadaama beelaha ay doonayaan inay xilka guddoonka ama duqa Beledweyne ay qabtaan.

Arrintaasi ayaa sababta mararka qaar in hal shaqsi seddex ilaa afar jeer loo magacaabo xilka guddoonka gobolka Hiiraan ama guddoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waa gobolka ugu badalka badan masuuliyiita xilka ka qabata gobolkaasi marka lala barbardhigo gobolka Shabeelaha Dhexe oo Hirshabeelle ka tirsan.

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaanan ka jawaabinta inay doorweyn ku leeyihiin isbadalka badan ee maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com