Amniga Gaalkacyo oo la adkeeyay iyo Aqalka sare oo ku biiray wafti tagaya

Gaalkacyo (Caasimada Onlie) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in amaanka magaalada aad loo adkeeyay maanta, iyadoo waddooyinka qaar ciidamo cusub la geeyay.

Dhanka Koofureed ee magaalada waxaa ku sugan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir, kuwaasi oo magaalada kula kulmaya wakiilka QM ee Soomaaliya.

Xubno ka tirsan  aqalka sare oo kasoo jeeda Galmudug ayaa ku biiraya shirarka maanta ka dhacaya magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo wada dadaalo lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug ee kala fariistay Cadaado iyo Dhuusomareeb.

Waxaa magaalada Xalay ka dhacay kulamo kala duwan oo u dhaxeeya madaxda Galmudug ee shalay tagay Gaalkacyo iyo odayaasha dhaqanka ee wada dadaalada nabadeed.

Waxaa maanta laga sugayaa wakiilada Qaramada Midoobay iyo midowga Africa ee Soomaaliya oo maalmahaan kulamo la qaadanayay madaxda maamul goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda oo xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com