Masuuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga doorashada oo iscasilaad ku dhawaaqay

Baydhabo (Caasimada Online)-War deg deg oo hadda naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu iscasilaad kale uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu hayay, waxaana ku xigsaday Guddoomiye ku xigeenkii guddigaasi Mahad Maxamed Ciise.

Warar kale oo aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xubno ka tirsan guddiga ay iyagana iska casileen xilka xubinimada guddiga doorashada.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa isha lagu wada hayaa maadaama 12 maalin ay ka dhiman tahay waqtiga lagu balamay inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa guddooyihii guddiga doorashada ayaa galabta shaaciyay iscasilaadiisa, iyadoo hadda uu ku xigsaday guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in xubno ka tirsan guddiga doorashada oo gaaraya 11 xubnood saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo ay shaaciyeen inay iska casileen xilka xubinimada Guddiga doorashada Koofur Galbeed.

La soco waxii kosoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com