“Sacuudiga oo uu ka socdo qorshe afgambi oo ka dhan ah boqorka iyo wiilkiisa”

Riyadh (Caasimada Online) – Amiirka Sacuudiga ee dibad jooga ah, Khalid Bin Farhan Al Saud ayaa sheegay inuu jiro qorshe socda oo la doonayo in afgambi loogu sameeyo boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin Salmaan.

“Waxaad dhowaan arki doontaa afgambi ka dhan ah boqorka iyo dhaxal-sugaha” ayuu yiri Khalid Bin Farhan Al Saud, oo ka hadlayey dilka Jamaal Khaashuqji, oo ahaa suxufi kasoo horjeeda boqortooiyada.

Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa la dilay labadii October, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, waxaana cadcad loo jarjaray hilibkiisa, kadibna lagu baabi’iyey aashito, sida Turkiga ay sheegeen.

Khalid Bin Farhan Al Saud, ayaa shaaca ka qaaday in Khaashquji uu qorsheynayey inuu qoro buugiisa xusuus qorka, kaasi oo sir badan shaaca ka qaadi lahaa, taasina ay tahay sababta loo dilay.

Sacuudi Carabiya ayaa qiratay dilka Jamaal Khaashuqji, balse waxay sheegtay inay fuliyeen xubno fallaago ah, islamarkaasna aan wax amar ah ka haysan boqortooyada. Si kastaba, dunida oo idil ayaa aaminsan in amarka dilka uu toos uga yimid xubnaha sare ee boqortooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com