Ciidamada Puntland iyo PSF oo markale ku dagaalamay Boosaaso + Khasaaraha

Boosaaso (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidanka amniga Puntland iyo kuwa PFS ee taabacsan agaasimihii hore General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Is-rasaaseynta oo socotay muddo kooban ayaa ka dhacday agagaarka xerada Cowska ee ku taallo Boosaaso, sida uu shaaciyey taliska Booliska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu dhex-maray ciidamo uu watay agaasimaha magacaaban ee PSF Sarreeye Guuto Maxamed Amiin iyo kuwa taabacsan agaasimihii hore.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo u warramay VOA ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in iska hor imaadka uu ku dhintay hal askari, mid kalena uu soo gaaray dhaawac.

Dirir ayaa sidoo kale shaaciyey in la baarayo sida ay wax u dhaceen, isaga oo tilmaamay in cidda billowday dagaalka ay qaadi doonto mas’uuliyadda.

“Waa la baarayaa, sida ay wax ku dhaceen, lama wada qaadanayo cidda yeelaneysa masuuliyadda, cidda dhinaceeda ay ka timid ayaa qaadaneysa oo loo sinnaan maayo, wax u dhimis-na waxaan oran karaa dadku caqli bay leeyihiin, ma malaynayo wax badan inay u dhimeyso,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Bari.

Xaaladda ayaa haatan deggan, wuxuuna dagaalkan ku soo aaday, xilli uu horay madaxweyne Deni ugu baaqay xabad joojin, si nabad loogu soo dabaalo Boosaaso.

Si kastaba, waxaa weli socda dadaallo ay wadaan mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu soo afjarayo xiisadda Puntland & PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii