Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Sierra Leone oo ciidamo ku howlgala magaca AMISOM ay ka joogaan Somalia ayaa shaaca waxay ka qaaday in muddo Labo bilood ah askarteeda aysan helin wax mushaaraad ah .
Hadalkan waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaarada Gaashaandhiga Sierra Leone, waxaana lagu baahiyay warbaahinta dalkaas.
“Ciidamadeenna waxaan dhameystirnay toddoba bilood ka hor, shan bilood oo ka mid ah ayayna heleen mushaarka uu bixiyo ururka Midowga Afirka. Labadii bilood ee ugu dambeysay wax mushaar ma helin, innaga ayaana ka siinaynay jeebkeenna lacago ka mid ah mushaarkooda,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada difaaca Sierra Leone .
Dowlada Sierra Leone ayaa sidoo kale sheegtay in kaliya askarta kaga sugan Soomaaliya ay siinayaan ilaa 100 doolar inta ay ka helayaan mushaarkooda oo sax ah, sida warka lagu sheegay.
Sierra Leone waxay sheegtay in ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM isla markaan ay xaq u leeyihiin xaquuq la mid ah kuwa ay helaan ciidamada ku howlgala magaca AMISOM ee ka socda wadamada Uganda, Burundi iyo Jabuuti.
Wixii ka dambeeyay markii Dowladda Sierra Leone ay soo dhameestirtay ciidameeda ka jooga Soomaaliya muddo todobo bilood ka hor ah, ayaa wasaarada Gaashaandhiga dalkasi waxay shegtay in ciidamadaasi aysan si toos ah uheli jirin saadka ciidan ee loogu talogalay iyo mushaaraadkooda intaba.
Marka laga soo gudbo dowlada Sierra Leone ciidamada ka socda sidoo kale waxaa Somalia ku sugan ciidamo kale oo ka kala socda dalal dhowr ah kuwaas oo mushaaraadkooda joogta u qaata lamina oga waxa dhibaatadan Sierra Leone kaliya ku koobay
Ciidamada ilaa iminka si rasmi ah howlgalka AMISOM uga mid noqday waxaa ka mid ah Uganda,Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leoneinkastoo dowlada Ethiopiana ay dhawaan howlgalkaas ku biirtay.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

