Baydhabo (Caasimada online) Wali waxaa magaalada Beydhabo ka soconayao qorshaha maamul u sameynta gobolada Koonfurta Somalia kaas oo ay ku midoobayaan ilaa lix gobol oo ka mid ah gobolada dalkeena.
Malaaq Shiino , wuxuu ka mid yahay Odayaasha horboodaya qorshaha lagu soo dhisayo maamul goboleedka Koonfur galbeeb Somalia , waxaana uu sheegay inay meel wanaagsan ay wax u marayaaan, islamarkaana maanta odayaasha loo qeybinayo kararka aqoonsiga.
Maalinta barito ah wuxuu sheegay inay ka dhici doonto magaalada Baydhabo xaflada furitaanka shirkada oo ka furmaya, kaas oo lagu soo doonayao madaxweynaha maamulka sida uu shaaca ka qaaday .
” Shirka Bari ayuu si toos ah u furmayaa dhowaana waxaa lasoo magacaabayaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Somalia, ma jirto wax cabsi ah oo aan ka qabno in shirkaas uu qabsoomi waayo, mana jirto cid naga hor istaagi karto” ayuu yiri Malaaq Shiino
Malaaq Shiino, wuxuu shaaca ka qaaday in wali ay sugayaan ergooyin kasoo jeeda beesha Mareexaan, kuwaas oo ka imaanaya magaalooyinka gobolka Gedo qaar, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa Wali ka soconaya Magaalada Baydhabo qorshe la doonayo in lagu soo dhiso maamulka la magac baxay koofur galbeed Soomaaliya, dadka qaar ayaa kuu sheegaya in shirkan uu yahay mid waqti looga sii luminayo Dowlada Somalia.
Halkaan Hoose ka dhageyso Malaaq Sheeno
Malaaq Cali Cabdo raxmaan Axmed Shiino
Caasimada online
Xafiiska Baydhabo

