Ciidamada xoogga oo guluf dagaal ka bilaabay xuduuda Sh/Dhexe iyo Galgaduud

Daarunicma (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgalo culus ka sameeyeen deegaano dhaca bariga gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir isaga kaashaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Ilaalo Qaran iyo ciidamo ka tirsan dadka deegaanka oo isku fidiyay inta u dhexeysa deegaanada Daarunimca iyo Ceel Bacad oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ayaa cagta mariyey howdka deegaanka Daarunimca, iyagoo kaa saaray xubnaha kooxda Shabaab oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa markii hore kasoo baxay deegaanka Al-kowthar, waxaana ujeedka u yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bariga Shabeelaha Dhexe, waxayna tilmaameen inay isku furi doonaan xadka labada gobol.

Xaaladda aaggaas ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa qaybo kamid ah deegaanada HirShabelle oo ay ka socdaaan howlgallo culus.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana ay haatan meelo yar kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay hakad galeen howlgalladii ay hormuudka u ahayd dowladda Soomaaliya.