Sidee aya looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Laftagareen?

Baydhaba (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo hadal heyn ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday madaxweynaha koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan, kaas oo kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda maamulkaasi.

Laftagareen ayaa inta badan xildhibaanada Koonfur Galbeed ku metaya dowladda dhexe, gaar ahaan labada Aqal isugu geeyay xarunta madaxtooyada maamulkaasi, si uu ugala hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, xaaladaha bani’aadanimada iyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday Laftagareen?

Dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay bandhigga uu sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Cali Yare Cali oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhoolatuska uu sameeyay Laftagareen ay tahay farriin uu u diray xubnaha mucaaradka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Laftagareen maanta wuxuu diray farriin mug leh oo siyaasadeed, oo ay ku larrantahay baarqableeyn iyo tookh. Waa hal farriin oo ku wada socota mucaaradka Koonfur Galbeed. Madaxweynayaashii kuraasta xildhibaannada macaashka dhaqaale ka sameeyay ee aan maanta hal Xildhibaan oo dhageysta aan heeysan. Damuljadiid garabkii ka fekerayay ineey koonfur galbeed ku falaadaan. iyo siyaasi kasta oo ay maankiisa ku jirtay inuu siyaasadda duunyo ka tacbado ee aan dad tacban” ayaauu yiri siyaasiga caanka ah Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu imtaasi kusii daray “Inaad dad abaalgashato waa hanti maguurto ah, in kuwii aad abaal gashatay ay abaalka celintiisa gartaan oo ay gobannimo muujiyaanna waa cajiib. Madaxweyne Laftagareen maanta ayay taladu la gudboon. waa inuu aad ugu fekero badbaadadda sameeynayo Damuljadiid”

Shuceyb Barre Cali oo kamid ah dadka isticaamala baraha bulshada ayaa yiri “Xildhibaanada Koonfur Galbeed waa in aysan ka qaybqaadan burburinta dastuurka, Somalia wadar ogol unbey ku heshiin kartaa kursiga raisulwasaaraha wuu jirayaa ila wadar lagu heshiiyo”.

Cadow Shariif ayaa isna yiri “Midnimadiina iyo wadajirkiina ayaa wax walbaba ka muhiimsan”.

Cali Xaaji ayaa isna ku jawaabay “Dhoolatus waayay Wallaahi, madaxweyne dowlad goboleed oo intaan oo xildhibaan heysta hala so raadiyo? guuleyso madaxweyne”.

Suldaanka Colow ayaa isaguna yiri “Madexweyne Laftagareen fariin adag uu dirayaa xasuusin weli derbiga wuu adag yahay”