Ciidamadii ugu horeeyey ee ka tirsan howlgalka ATMIS oo loo soo diray Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya loo soo diray ciidamadii ugu horreeyey ee qeyb ka noqon lahaa howlgalka ATMIS oo ah howlgalka la doonayo in lagu badalo midka AMISOM.

Ciidamada loo soo wado Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dirtay Dowladda Uganda oo ah dowladda soo dirtay ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISOM.

Munaasabad lagu soo sagootinayay Ciidamadaas oo ka dhacday dalka Uganda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) Gen. Wilson Mbasu Mbadi iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Gen. Wilson ayaa ciidamadaan cusub ee soo diray Soomaaliya kula dardaarmay inay si heer sare ah u gutaan waajibaadkooda isla markaasna ay ilaaliyaan dhaqanka Soomaalida.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ka hor tagaan weerarada kooxda Al-Shabaab ay ka fulisio gudaha Soomaaliya isla markaasna ay naftooda ka ilaaliyaan khataraha soo wajihi karo.

“ Markaad aadeysaan Soomaaliya, iska hubiya inaad soo laabataan idinkoo bad qaba. Al-Shabaab waxay idinku tahay halis weyn. Waa inaad aad uga taxadirtaan inay helaan xoriyad ay ku geystaan ​​falal argagixiso. “ayuu yiri Gen. Mbadi.

Ciidamada Cusub oo dowladda Uganda usoo dirtay Soomaaliya ayaa doorweyn ku yeelan doona howlgalka ATMIS, si loo wajaho dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ugu yaraan 6,000 askari, waxaana keenitaanka Ciidamadaan cusub ay kusoo beegmeysaa iyadoo 10 maalmood ka dib magaca AMISOM loo beddelayo ATMIS oo ku beegan 31-ka March 2022.