Ciidamadii weerary guriga Cabdi Qeybdiid oo lasii deenayo iyo saraakiisha amartay oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa xaqiijinayo in ugu dambeyn ilaa Berri lasii deyn doono Ciidamadii sida sharci darada aheyd ku weeraray Guriga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah xubnaha Aqalka sare ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan oo gaarayo ilaa 40 Askari ayaa la filayaa in xabsiga laga sii daayo illaa Berri kadib markii uu dhammaaday baaritaankii lagu helay iyo sababta keentay inay weeraraan guri uu leeyahay Sanateer ka tirsan Aqalka Sare.

Wararka ayaa sheegayo in Saraakiishii amartay weerarkaan ay sii xirnaan doonaan, maadaama ciidamada ay iga amar siiyeen.

Saraakiishaan ayaa la filayaa in sharciga lasoo hor istaajiyo maadaama ay weerareen guri uu leeyahay Sanateer iyagoo aan heysan wax fasax dowladeed ah.

Ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwa ay maamulaan Imaaraadka Carabta ayaa laba maalin ka hor weerar sharci darro ah ku qaaday Guriga Cabdiqeybdiid.

Ciidadmaas ayaa guriga ku sameysay baaritaan iyagoo weliba la sheegay inay halkaas ka qaateen laba qori oo kuwa fudud ah.

Sidoo kalana waxay dhaawaceyn nin oday ahaa oo ilaalo ka ahaa Guriga Cabdi Qeybdiid markii lagu dhuftay gaari kuwa dagaalka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amar ku bixiyey in lasoo xiro ciidamadaan weeraray guriga Santeer Cabdi Qeybdiid, waxaana ciidamadaan iyo saraakiishaan lagu soo xiray amar madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com