Xog: Farmaajo oo amray in la joojiyo hotelkii laga dhex dhisayey garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u amray in la joojiyo Hotel la doonayey in laga dhex dhiso garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Hotelkaan ayaa laga dhisi rabay Gudaha Garoonka, gaar ahaan meesha loogu talagalay in la dhigto Gawaarida, waxaan howshaan iska kaashadanayey Ganacsato Soomaaliya iyo Shirkadda Favori ee gacanta ku heyso Maamulka Garoonka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amray in la joojiyo dhismaha hotelkaas, maadaama uu sheegay inay sharci darro tahay in garoonka dhexdiisa laga dhiso Hotel.

Qorshaha Hotelka looga dhex dhisayey Garoonka diyaaradaha ayaa saameyn ku yeelan lahaa habsami u socdoka Garoonka, sidoo kalana waxay saameyn ku yeelan laheyd halka la dhigto Gawaarida.

Qorshaha dhismahaan ayaa waxaa cabasho kasoo gudbiyey madaxda Garoonka Diyaaradaha, waxaana arrintaan loo gudbiyey Madaxweynaha oo isaga ugu dambeyn ku dhawaaqay in dhismahaan uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn isla markaasna uu amrayo in la joojiyo.

Tallaabada uu Madaxweynaha ku joojiyey dhismaha Hotelkaan ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, waxaana lagu tilmaamay inay aheyd tallaabo geesinimo leh isla markaasna muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay daacadnimada Madaxweynaha iyo qorshaha wanaagsan ee uu wadanka la doonayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com