Madaxwey Farmaajo oo saxiixay miisaaniyadda dowladda ee 2018

Muqdisho (Caasimadda Online) – Miisaaniyadda uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa sanadkii aynu soo dhaafnay 2017-kii ansixiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadibne waxa cod ku aqbalay Golaha Shacabka, waxaana loo gudbiyey Golaha aqalka sare oo shalay ugu dambeyn cod ay u qaadeen kadib u ogolaaday in madaxweynaha uu ansixiyo.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Golaha aqalka sare ka dalbaday in ay u codeeyaan in madaxweynaha uu saxiixi karo, maadaama aanan la horgeyn warqadda Miisaaniyadda, Madaxweynaha ayaana saxiixay Miisaaniyadda maadaama uu yahay shakhsiga leh saxiixa ugu dambeeyo.

Miisaaniyadda sanadkaan ayaa gaareysa $274,640,191 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar), Wasiirka Maaliyadda Soomaaliyane waxa uu sheegay in howlo kala duwan lagu qabanayo lacagtaasi.

Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn qalinka ku duugay Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com