Sawirro: Ciidamo badan oo ilaalo u ah A/Madoobe oo u amba-baxay Dhuusamareeb

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland, gaar ahaan ilaalada madaxweynaha mamaulkaasi ayaa goor dhow ka soo amba-baxay garoonka magaalada Kismaayo, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeeb.

Ciidaman oo ku hubeysan qoryaha fud-fudud ayaa diyaarad qaas ah waxa ay ka soo qaatay Kismaayo, waxayna horudhac u yihiin wafdiga Axmed Madoobe oo saacaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Arrintan ayaa muujineyso in weli kala shaki uu jiro iyadoona madaxweynayaasha maamullada dalka ay ciidamo gaar ah la tegayaan shirka ay ku leeyihiin Dhuusamareeb, waxaana jirta in shay degmadaasi laga saaray ciidamada Booliska ee Haramcad.

Dhinaca kale waxaa qab-qaabo xoogan oo loogu jiro shirkaasi ay ka socotaa gudaha magaaladaasi, iyada oo aad la adkeeyey amniga, islamarkaana ciidamo la dhigay jidadka muhiimka ah

Shirka ayaa la filayaa inuu furmo gelinka dambe ee maanta, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020-2020.