Cabdikariim Guuleed: Shirka Dhuusamareeb waxaan ka sugeynaa inuu siyaasadda dalka xabsiga kasoo daayo

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug ee Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana hoggaamiya Xisbiga Sahan ayaa ka hadlay shirka maanta magaalada Dhuusomreeb uga furmaya madax goboleedyada dalka.

Guuleed oo qoraal soo dhigay facebook, ayaa shirkaas ku tilmaamay inuu noqon karo mid siyaasadda dalka xabsiga kasoo daayo. Hoos ka aqriso qoraalka Guuleed oo dhameystiran

Waxaan soo dhoweynaya shirka maanta madaxda dowlad goboleedyada uga furmaya magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirka Dhuusamareeb wuxuu kusoo aadayaa waqti aad xasaasi u ah, oo dhammaanteen aan walaac ka qabano is mari-waaga siyaasadeed ee dalkeena iyo geedi socodka Dowladnimadda Soomaaliya.

Kullanka wadatashiga ah ee madaxda Dowlad goboleedyada, waa inuu abuuraa jiho Qaran, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo isfaham la xiriirta arrimaha doorashada guud ee dalka.

Soomaaliya waxey taagan tahay marxalad u baahan in looga gudbo wadahadal, tanaasul, isu dhimrin iyo is aqbalid, taas oo laga waayay iney sameeyaan madaxdii loo doortay hogaaminta dalka.

Shirka Dhuusamareeb waxaan ka sugeynaa inuu siyaasadda dalka xabsiga kasoo daayo, oo uu billow wanaagsan u noqdo marxaladda kala guurka ah iyo inuu dhalo shirweyne Qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan u rajeynayaa shirka guul iyo inay ka soo baxaan go aanno loo aayo.