Xog: Go’aannada adag ee la filayo in laga soo saaro shirka maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in go’aano adag ay kasoo bixi doonaan Shirka maanta furmaya  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xog hoose oo muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku raaci doonaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ah iyo in laga soo horjeesto qorshaha Villa Somalia ee doorashada dalka iyo dib dhac ay qorsheneyso madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu wax ka ogyahay qorshaha iyo go’aanada ka soo bixi doona maamul gobaleedyada dalka islamarkana uu xariir la leeyahay maamulada dalka.

“Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wax ka og shirka waxaana ka soo bixi doona go’aano culus intaasna makuu dhaafin karo,” ayuu yiri mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia oo Dhuusmareeb ku sugan.

Indhaha Caalamka ayaa ku jeeda Dhuusmareeb waxaana go’aanka halkaas ka soo baxa loo arkaa mid muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu noqon karo mid dhinac u rida jahwareerka Siyaasadeed ee Somalia.