Xog: Odayaasha beelaha Kablalax Daarood oo raali gelin siiyay kuwa Mudullood

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Kablalax Daarood ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee Beelaha Mudullood waxa uuna kulankaas ku saabsanaa xaaladda dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadda Somalia.

Kulankaan oo ka qabsoomay hotel ku yaalla Muqdisho ayaa la sheegay in ay soo qaban qaabiyeen odayaasha Kalalax, waxayna raali gelin ka bixinayeen hadalo ka soo baxay Madaxweynaha Puntland iyo xubno kale oo kamid ah Maamulada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo quseeya xaaladda Somalia, gaar ahaan arrimaha matalaadda Gobalka Banaadir.

Odayaasha Kablalax ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan matalaadda gobalka Banaadir ee 13 xubnood ayna raali gelin ka bixinayaan qeylo dhaanta siyaasiintooda ka soo yeertay.

Sidoo kale waxay odayaasha Kablalax sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya iska hor keenayo Kablalax iyo beelaha daga Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed taasina ay muhiim tahay laga fogaado.

Beelaha Kablalax ayaa daga qeyba kamid ah Jubaland iyo Puntland waxaana qaar kamid ah siyaasiintooda si weyn uga soo horjeesteen matalaadda 13-ka xubnood ee gobalka Banaadir.

Odayaasha Mudullood ayaa qaatay raali gelinta waxayna sheegeen in ay aflagaado tahay wararka ah in Farmaajo iska hor keenayo beelaha Muqdisho iyo Kablalax oo aysan beelaha Muqdisho aheyn dad laga horkeeni karo bulshada kale ee Soomaaliyeed.