Somaliland oo saldhig cusub ka furatay Sanaag + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Somaliland, Sareeye Guuto Muuse Jaamac ayaa maanta xariga ka jaray saldhig cusub oo uu maamulkaasi ka furtay deegaanka Baraagaha ee gobolka Sanaag.

Saldhigga oo ah mid ballaaran ayuu taliyuhu sheegay in la keeni doono ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa milatariga ee Somaliland.

Ciidamada la geynayo saldhigan ayaa waxa uu sheegay in lagu dari doono ciidamadii kale ee horey ugu sugnaa gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, islamarkaana saldhiggaas cusub ay ku xoojin doonaan howl-galalada gobolkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee dhaq-dhaqaaqyada cusub ka bilowday Sanaag ayaa ku soo aadaya, xilli ay weli gobolkaasi ka jirto xiisad maamulkaasi kala dhexeyso dowlad goboleedka Puntland.

Somaliland iyo Puntland oo marar badan dagaalamay ayaa in muddo sando ah isku maamulida deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.