Shirka madax goboleedyada ee Dhuusamareeb oo arrin yaab leh banaanka keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka la filayo inuu galabta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka Galmudug, ayaa arrin yaab leh banaanka keenay, kadib markii madaxda maamulada ka qeyb galaya shirkaasi ay kusii qul-qulayaan magaaladaasi.

Shalay ilaa saaka waxa Dhuusamareeb lagu soo daabulayey ciidamo kala taabacsan maamulada halkaasi ku shiraya, iyada oo isla shalay laga soo qaaday magaaladaasi qaar ka mid ah ciidamada dowladda ee Haramacad.

Dhuusamareeb ayaa isku badashay goob dhoolatus ciidan, iyada oo madaxda maamuladu ay ciidamo aan caadi aheyn ay kusoo daabuleen xaruntaasi oo uu ka furmayo shir u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa iyagu ciidamo xoogan iska soo horeysiiyay ka hor inta aysan imaan magaalada Dhuusamareeb, midaasi oo soo if-bixineysa cabsi ku aadan sugnaanta amni ee shirkaasi.

Arrinta yaabka leh ee shirka Dhuusamareeb uu banaanka keenay ayaa ah, heerka is aamin ee dowladda iyo maamulada dalka oo maraya heer aad u hooseeya, maadama ay madaxda maamuladu ka cabsi qabaan shirqool ka dhan ah.

Is-aaminaad la’aanta ayaa sidoo kale ku koobneyn oo kaliya maamul goboleedyada hase yeeshee waxaa cabsida ugu badan laga qabaa dowladda federaalka.

Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Jubbaland oo markii hore si adag uga hortimid dowladda federaalku doorashadiisa, inkasta oo ay si dad-ban u aqoonsatay markii dambe, ayaa isagu feejignaan dheeriya muujinaya, xili uu saaka ciidamo ilaaladiisa oo si weyn u hubeysan uu kasoo dejiyay Dhuusamareeb, ka hor imaanshihiisa.

Dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo ayaa inta badan la rumeysan yahay inay mararka qaar awood ciidan u adeegsato siyaasiyiinta ka fikirka duwan, xili ay dhowaan deegaanada Galmudug si xoog ah uga saartay maamulkii Ahlu-sunna wal-jamaaca.