Ciidan cusub oo la wareegay amniga qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo dhawaan kusoo qaatay tababar dalka dibadiisa ayaa la geeyay guud ahaan qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan tababar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley.

Wararka aan helayno ayaa intaasi kusii daraya in ciidankan cusub loogu tala-galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo durba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliyada habeenkii.

Ciidamadan cusub ayaa hoostagaya talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan, waxayna tababar dhowr billood ah kusoo qaateen dalka Uganda.

Ciidankan oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad afar kun ayaa waxaa mushaaraadkooda bixisay dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kaalin muhiim ka qaadatay tababarkoodii ay kusoo qaateen dalka Uganda.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu qaatay go’aanka ah in amaanka caasimadda lagu fiiriyo ciidamo Milateri ah, waana sababta keentay in ciidankan oo markii hore loo waday furimaha dagaalka laga howl-galiyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, oo ayadu dhibane u ah falalka amni daro ee kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Dabayaaqadda bishii hore ayay aheyd markii ay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ay tababbar u soo xireen cutubyo kamid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, isaga oo halkaasi ka sheegay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka.

“Tayeynta ciidanka qaranka waxay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.