Wiil uu Fu’aad Shongole ‘dhalay oo lagu qabtay dalka Costa Rica (Faah-faahin)

Costa Rica (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Costa Rica aya qabtay, kadibna masaafuriyay wiil uu dhalay Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare sare ee Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wiilka la qabtay ayaa ku safrayay magaca Lutrnan Warsame Farax, waxaana la sheegay inuu yahay curadka Fu’aad Shongole.

Sidoo kale ninka la xiray ayaa watay aqoonsi iyo baasaboorka dalka Sweden, kaas oo uu leeyahay qof kale, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Costa Rica.

Ninkan oo ku jiray liiska dadka ay raadinayso FBI-da ayaa galay Costa Rica January 4, 2023, isaga oo isticmaalaya baasaboor uu leeyahay nin lagu magacaabo Luqman Abdiaziz.

Lutrnan Warsame Faarax ayaa loo musaafuriyay dalka Guatemala ee Latin Amerika, isla-markaanaoo xad laleh Mexico. Balse wararka ayaa sheegaya in lagu soo celiyay Costa Rica.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in eedeysanaha uu muddo bil ku sugnaa Costa Rica, isla-markaana uu kusii jeeday dalka Mareykanka oo ku geli rabay tahriib ahaan.

FBI-da Mareykanka ayaa bishii Febraayo ee sannadkan uu sheegtay in xubin ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan tahay gudaha waddanka Costa Rica, waxaana kadib billowday howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada, laguna soo qabtay eedeysanahan.

Hay’adda Sirdoonka Costa Rica oo ka hadashay arintan ayaa sheegtay in wiilkan ay ku celin doonaan dalka uu markii hore sida sharciga ah ku joogay, haddii la waayana Soomaaliya.

Si kastaba, Fu’aad Shongole oo kamid ah golaha shuurada ee Al-Shabaab, isla-markaana ‘dhalay wiilkan’ ayaa loo haystaa inuu fududeeyay weerar 2011 ka dhacay dalka Sweden.