Weriye warbaahinta qaranka ka tirsanaa oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa salaadii Maqrib kadib Muqdisho ku geeriyooday Weriye Miikaahiil Cabdirashiid Barre oo ka tirsanaa weriyaasha warbaahinta qaranka.

Miikaahiil ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey isbitaalka Erdogan Ex Digfeer oo ugu dambeyntii uu caawa ku geeriyooday.

Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo marxuumku uu muddo dheer kasoo shaqeynayey ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Weriye Miikaahiil Barre.

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya waxa ay ka tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wariye Makaahiil Rashiid Barre oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaraddu.

Miikaahiil oo ahaa Weriye ruugcadaa ah ayaa warbaahinta qaranka uga soo warami jiray wadanka Jabuuti oo muddo uu deganaa, balse waayihii dambe wuxuu u soo wareegay Muqdisho oo hadda uu ku geeriyooday.

Maskaxda ayaa la sheegay in xanuunku uu ka haayey Weriye Miikaahiil, wuxuuna dhawaan noqday bareelis oo oo qaar ka mid ah xubnihiisa jirka ayaa dhaq-dhaqaaqa joojiyey.

Dhakhaatiirtii la tacaaleysay xaaladiisa ayaa dhawaan dalbaday in dalka dibadiisa loo qaado, maadaama xaaladda weriyaha ay aheyd mid culus, balse wuxuu caawa geeriyooday intii lagu jiray qaban-qaabadii loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.

Dowladda iyo dhamaan bahda warbaahinta ayaa u kacay Miikaahiil oo waxaa gabagabo maraayey qorshe loogu qaadayo caafimaad dibadda ah, balse Allaah ayaa oofsaday caawa, iyadoo aan dal kale loo qaadin.