Sawirro: Iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Shiinaha noqonaya shan dhinac

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo weliba sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ee muhiim ah.

Xamza iyo Shengchao ayaa kulankooda waxay diirada ku saareen kor u qaadista iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao ayaa dhankiisa waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, ayna sii xoojinayaan xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya.

Sidoo kale waxa uu danjire Shengchao u sheegay ra’iisul wasaare Xamza inay ka go’an tahay dowladdiisa sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.