Sawirro: Odowaa oo tegay furimaha dagaalka iyo howl-gal culus oo ka billaabanaya…

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Kormeerkan ayaa sidoo kale waxa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ku wehlinayay guddoomiyaha degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane.

Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in muddo 15 sano ah ay dhibaato ku hayeen Khawaarijtu.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubnihii la socday ayaa intaas kadib usii gudbay furimaha dagaalka, iyaga oo gaaray deegaanka Goobo.

Deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay inuu yahay Taliska Guud ee ciidanka Macawiisleyda gobolka Hiiraan, kuwaasi oo door muhiim ah ka qaatay xoreynta deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda Al-Shabaab.

Socdaalka Jeneraal Odowaa ayaa imanaya xilli uu wejiga labaad e dagaalka uu ka billowday gobolka Hiiraan, islamarkaana ay maalmaha soo socda howl-galo culus ka bilaaban doonaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howl-galada dib uga billowday Hiiraan ayaa illaa hadda la kulmin wax iska caabin ah, marka laga reebo qaraxayo hareeraha waddooyinka ku aaseen kooxda oo ay khasaare iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidanka iskaashanaya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku sugan deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan.

Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.