CIIDAMO Cusub oo lagu daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho iyo afartan dowladood oo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan agagaarka madaxtooyada Soomaaliya iyo deegaanada ku hareereysan, halkaasi oo lagu arkayo ciidamo ku cusub shacabka Muqdisho.

Ciidamada ayaa wada koofiyado gaduudan oo lagu qoray xarfaha BD oo aan la ogeyn waxa loosoo gaabiyay, waxayna u muuqdaan iney ku jiraan feejignaan dheeri ah kadib qaraxii ka dhacay hotelka jazeera ee magaalada Muqdisho.

Arinta adkeynta amaanka ayaa ka dambeysa maadaama berito shir caalami ah uu ka furmayo magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada, dowlada Soomaaliya iyo inka badan 40 dowladood oo caalamka ah.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlaya dhameystirka hiigsiga sanadka 2016 iyo qaabka ay haboon tahay in doorasho ay kaga dhacdo gudaha dalka Soomaaliya marka la garo sanadkaasi oo waqtiga uu ka dhamaanayo hayadaha dowlada hadda jirta.

Ciidamada ayaa waxaay baaritaano ka sameynayaan hareeraha wadooyinka soo gala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la doonayaa in amaanka lagu adkeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com