Jawaari: Doorasho kama dhaceyso Somalia 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa shalay shir gudoominayay kulan ay yeesheen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya loogana hadlayay sida dalka kaga dhici karto doorasho lagu qanacsan yahay.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay arimahaasi iyo sida dalka Soomaaliya kaga dhici karto doorasho “Hal ruux iyo hal cod”, waxaana badankood xildhibaanada ay soo jeediyeen talooyin ku qodoto arimahaasi.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ugu dambeyn hadlay markii fikradaha xildhibaanada la dhageystay ayaa si cad u sheegay in dalka Soomaaliya sanadka 2016 aysan ka dhici Karin wax doorasho ah.

Sidoo kale wuxuu Jawaari sheegay in xildhibaanada baarlamaanka looga baahan yahay iney keenaan fakar ka duwan midka ay soo jeediyeen kuna saabsan qaabka doorasho ay kaga dhici karto dalka Soomaaliya.

“Dalkaan wax doorasho ah kama dhici karto Soomaaliya taasoo ah “Hal nin iyo hal cod”, waxaase muhiim ah in xildhibaanada aad keentaan fikir ka duwan taasi oo doorasho lagu gali karo”ayuu yiri Jawaar.