Xukuumadda iyo BF Soomaaliya oo ku heshiiyay 3 qodob iyo HIIGSIGA 2016-ka oo laga taqallusay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia iyo Golaha Xukuumadda oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa go’aamiyay in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada waxaana ay isku raaceen in dalka aysan doorasho ka dhici Karin.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay muhiimada inay tahay in labada Gole ee Dowladda ay u midoobaan marxaladan siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Wuxuu sheegay in dalka aysan doorasho qof iyo cod ka dhici Karin, sidaasi awgeedna muhiim ay tahay in la qabto Shirweyne wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Dowladda iyo Maamul Goboleedyada dalka.

“Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo oo halkaan i keenay inaan kalsooni idin geliyo, sababtoo ah waqti xassaasi ah ayaa la marayaa waxaan rabaa inaan ka shanqariyo saddexdii qodob ee Xildhibaan Goodax uu halkaan ka sheegay, Doorasho qof iyo cod dalkaan kama dhici karto.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa Baarllamaanka hortiisa wuxuu ka aqriyay saddex qodob oo Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay isku raaceen.

1- Labada gole ee dowladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

2- In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dowladda qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 Agosto marka la gaaro, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

3- In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dowladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabato.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Goaanka-Guddoonka-Golaha-Shacabka-28.07.2015.pdf”]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com