Shariif Xasan oo sheegay nooca federalkuu rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shariif Xasan Sheikh Aadan, Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa ka hadlay nooca Federaalka uu doonayo inuu ka hirgalo dalka Soomaaliya, maadaama uu aad u doonayay in dalka laga hirgalayo nidaamkaasi.

Shariif Xasan, ayaa sheegay in federaalka uu doonayo uu yahay mid dalka oo idil nabad loogu noolaado oo aysan dhicin in maamul goboleedyada ay isku qabqabsadaan dhanka xuduudaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dowlada dhexe ee dalka looga dambeeyo arimaha federaalka oo aysan dhicin in dowlada dhexe ee dalka lagu farigeliyo arimaha federaalka Soomaaliya.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in is qabqabsi inta badan dhex mara maamul goboleedyada ka dhisan Soomaaliya, isagoo si  dadban u weeraray maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Dowlada Soomaaliya ayaa hadda waxaa u dhiman dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo noqonayo maamul goboleedkii ugu dambeeyay oo kamid noqdo nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com