DHAGEYSO: Faroole oo socdaalkiisa Hargeysa ka hadlay, weerar kululna ku qaaday DF Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Xuseen Faroole, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarkii uu ku tagay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland halkaasi oo soo dhaweyn uu kala kulmay.

Faroole ayaa sheegay in safarkiisa magaalada Hargeysa inuu ku saleysnaa arimo dhanka qoyska ah iyo usoo tacsiyeynta reerka xaaskiisa oo lagu dilay magaalada Garoowe, uuna ka dambeeyay wiil uu dhalay C/raxmaan Faroole.

Soo dhaweyn kadib wuxuu soo hadal qaaday arimaha Soomaaliya iyo murunkii dhanka xuduuda ee u dhaxeeyay maamulada Galmudug iyo Puntland, kaasi oo ka dambeeyay markii Galmudug dastuurkeeda lagu qoray in Nugaal ay tahay xuduuda ay la wadaagaan Puntland.

Wuxuu sheegay in nidaamka federaalka uu yahay midkii lagu dhisay intii uu madaxweyne ka ahaa Puntland, laakiin wax badan oo kala tabasho ah ay jirto, isagoo sheegay in wali arimaha Soomaaliya uusan faraha kala bixin.

Halkan hoose ka dhageyso Faroole

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com