Ciidamo cusub oo maanta la wareegay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbalad Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadan oo u badan kuwa Boolis ah oo dhowaan la tababaray ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona Musharraxiinta ku sugan Kismaayo ay dareemayaan qal-qal amni.

Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha soo socota ee August, balse waxaa weli taagan caqabado u baahan in la xaliyo.

Inta badan Musharaxiinta ayaanan is-diiwaan gelin, waxaana ay cabasho ka yihiin guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeyeen inuu si gaar ah ula shaqeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Lama oga sida ay wax noqon doonan, balse waxaa isha lagu hayaa tartanka adag ee doorashada Jubbaland .

Axmed Madoobe oo doonaya in markiii saddexaad la doorto ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo cadaadis uga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com