Beesha Saleebaan oo ku dhowaaqday go’aankeeda shirka Dhuusomareeb kadib kulan ay la yeesheen gudiga

Dhuusamareeb (Cadaado ) – Waxgaradka beesha Saleebaan oo maanta kulan la qaatay guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka biyo diiday inay ka qeyb galaan shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulankan oo saacado badan qaatay, islamarkaana warbaahinta ay dibad joog ka aheyd ayaa intiisa badan diirada lagu saaray, sidii ay Odayaasha Cadaado uga qeyb galin lahaayeen shirkaasi.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo ku dhow shirka waxgradka Cadaado ayaa guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow ku wargeliyey in aysan marbanaba ka qeyb gali doonin gogosha taalla Dhuusamareeb.

Cadaado ayaa weli tabasho ka muujineysa in shirka iyo doorashada labaduba lagu qabto halkaasi.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Saleebaan ayaa horay u shaaciyey inuu ballantii uga baxay Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaana ay ku eedeeyeen inuu u xaglinayo dhinaca Dhuusamareeb.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli la filayo in shanta bisha soo socota ee August uu furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka Galmudug.

Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com