25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Ciidamo fara badan oo ka tirsan DF oo ku geeriyooday Buur-Hakabo kadib…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Buurhakabo (Caasimada Online) Ugu yaraan shan ka tirsan ciidamada dowladda ay geeriyooday in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacantay kaddib markii baabuur ay la socdeen uu ku rogmaday deeganka Jamaacada oo u dhow degmada Buurhakabo ee gobalka Baay.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa Caasimada Online u sheegay in ay arkeen ciidamo fara badan meyd ah kuwaasoo la socday baabuur nooca Soomaalida ay u taqaano Cabdi Bilaha.

Waxaa sabab u ahaa gaarriga in uu rogmado markii darawalkii waday uu si xawaare leh uu ka xeeyay baabuurka deetana uu ka baxay waddada.

Ciidamada geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa loo qaaday degmada Buurhakabo oo ay ku sii jeedeen ciidamada la socday baabuurka rogmaday.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay shilkan ka dhacay deeganka Jamaada oo u dhexeysa Shabeellaha Hoose iyo Buurhakabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News