Ciidamo badan oo la dhigay waddooyinka GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ciidamo dheeraad ah ay dhigtay xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyaga oo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ciidamada oo isugu jira milateri, boolis iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ayaa la dhigay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo cusub ka bilaabeen xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howl-galladan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Saraakiisha ammmaanka Puntland weli faah faahin kama bixin baaritaanadaasi oo u jeedkooda lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi.

Si kastaba Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar is-maadiin ahaa uu ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay saraakiil sar sare iyo dad shacab ahaa