Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5-aad isku soo taagay xilka madaxweynaha Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle ayaa markii shanaad ku dhowaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha ee dalkaasi.

Ismaaciil Cumar Geelle oo xalay ka qeyb-galayey dood ka baxeysay Tvga qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa uu sheegay inuu ka qeyb ka yahay tartanka doorashada lagu wado inay dhacdo bisha April ee sanadka soo socdak ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabkiisa ay ka codsadeen in markale uu isku soo taago xilka madaxweynaha, isaguna uu aqbalay, sida uu hadalka u dhigay.

Geelle afar jeer ku guuleystay xilkan, iyada oo ay ugu dambeysay sanadkii 2016-kii, walow ay doorashadaas dood ka keeneen xisbiyada mucaaradka ee Jabuuti.

Go’aanka uu ku dhowaaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadan ka qeyb-galka doorashada ayaa sidoo kale hadal heyn weyn ka dhex abuuray bulshada Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xilkan markiisii ugu horreysay waxaa loo doortay 9 bishii April ee sanadkii 1999-kii, waxaana uu xukunka hayaa muddo 21 sano ah.