Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday abaal Imaaraadka Carabta ay u galeen Somalia

 Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay madal loogu magac-daray Doodsan oo su’aalo lagu weydiinayey ayaa wax laga weydiinayey waxa uu kala socdo cilaaqaadka xumaaday ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Imaaraadka Carabta ayuusan ka dhaxeyn cilaaqaad wanaagsan, waxuuna khilaafku xoogeystay markii ay isku dhaxeen dalalka Khaliijka oo Soomaaliya ay garab istaag u muujisay dowladda Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku abaal dhacday dalalkii Carabeed ee Soomaaliya sida weyn u soo garab istagay markii ay liidatay.

“Dalkaan markii uu burburay, oo ganacsatadeenii ay hantidooda la carareen, nin kasta waxa uu magan-geliyo ka helay caasimadda Imaaraadka ee Dubai, shirkadeheena si ay aduunka ula macaamilaan waxaa laga diiwaan geliyey Dubai, maadaama sharciyaddii dalkeennu ay burburtay, Compony Soomaaliya ka jira oo macno leh oo aan Dubai xafiis ku laheyn ma jiro, Jaamacadaha ku yaalla dalka Imaaraadka boqolaal arday Soomaaliyeed ah ayaa dhigata,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu talada dalka hayey in cilaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu gaaray in Imaaraadku inta dhul naga siiyey Dubai, inuu hadana noo dhisay, si loo dejiyo safaaradda Soomaaliya, maadaama aysan Soomaaliya heysay xilligaas dhaqaale ay ku dhisato, kuna iibsato dhul.

Xasan Sheekh ayaa yiri, “Dowladda Imaaraadku inta na siisay dhul, ayey nooga dhistay guri laba dabaq ah, guri kale oo safiirku dego oo laba dabaq ah iyo hool weyn oo jaaliyadda Soomaaliyeed lagu kulmiyo, waxaan idiin tiri karaa niman dhakhaatiir ah oo dalka Imaaraadka u dhashay oo maanta Muqdisho ku daaweeya dadka Soomaaliyeed, waxay noo fureen isbitaal si bilaash ah loogu daaweeyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ugu nugul.”

Waxuu intaas ku sii daray Xasan Sheekh, “Imaaraadku waxuu noo dhisay xero ay noogu tababareen qaar ka mid ah ciidamada aan maanta shinsaneyno, xero ay saraakiishu degaana horteeda ayey ka dhisayeen, iyadoo qabyo ah ayaa laga ceyriyey oo weli waa qabyo.”

Sidoo kale dalka Sacuudiga ayuu sheegay in xilliyo adag uu dadka Soomaaliyeed ka iibsaday xoolahooda, isla markaana kumanan shaqaale Soomaaliyeed ah ay hadda ka howlgalaan gudaha Sacuudiga, marar badana ay noo balan qaadeen inay nala gelayaan heshiis ay shaqa abuur ugu sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Anigu Carab cadaawad noo qabta, oo na dulmineysa, oo nagu taagan ma arkin, waxa naloo sheegayo waa been waxba kama jiraan, Masar maanta ardaydeena ayaa Jaamacadaha ka dhigta, saraakiisha maanta hoggaamisa militerigeena Masar ayaa wax soo bartay, war dadka laguma abaal dhaco, beena lagama sheego, borabagaandana laguma furo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Eritrea maxay noo qabatay? War dadka in caqliga laga xado maaha, Isaias Afwerki iyo dadkiisa reer Eritrea, Soomaaliya maxay u tareen? Anigaa idiin sheegayee midowgii Maxaakiimtii Soomaaliya ee ARS markii ay carareen ayey magan-geliyo siiyeen,  war maanta yaanala dhihin Afwerki iyo dalkisa Eritrea ayaa walaal ah oo Jabuuti ayaa cadaw ah.”

“Jabuuti maanta anagey nooga baahneed garab istaag oo cadawgooda Eritrea uu ciidamo iyo dhulba ka heystaa, yaa arkay Iskuul iyo isbitaal ay Eritrea noo dhistay? War dadka Soomaaliyeedow indhihiina fura, waxaa la isku deyaan in caqliga la idinka xadee” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.