Baarlamanka HirShabelle oo muddo kororsi sameystay

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa wax ka bedal ku sameeyey muddo xileedka golaha baarlamaanka iyo madaxtooyada ee maamulkaasi.

Kulankan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa guddoomiyey Dr. Cabdixakiim Luqmaan xaaji Muxumed oo ah guddoomiyaha golaha wakiilada ee HirShabelle.

Xildhibaanada ayaa dood kadib wax waxa ay ka bedal ku sameeyeen qodobada 33-aad iyo 50-aad ee dastuurka HirShabelle oo kahadlaaya muddada baarlamanka iyo madaxtooyada.

Guddoomiye Cabdixakiin ayaa marka hore faah faahiyey qodobada dastuurka ee mudan in wax ka badalka lagu sameeyo , iyadoona kadib xildhibaanada ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen in mudo xileedka baarlamaaanka iyo madaxtooyada oo laga dhigo 5 sano.

Illaa 66 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday saddex mudane, halka uu ka aamusay 1 xildhibaan, sida uu shaaciyey guddoonka sare ee baarlamaanka.

Muddo xileedka hay’adaha dastuurka ee HirShabelle ayaa markii hore ahaa afar sano, iyada oo hadda laga dhigay 5 sano, kadib codsi ka yimid madaxweynaha cusub ee Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe oo ku soo baxay doorashadii dhowaan ka dhacday Jowhar.

Si kastaba arrintan ayaa waxaa looga gol-leeyahay si loo kala leexiyo doorashada dowladda federaalka iyo tan HirShabelle oo isku aadayey sanadihii u dambeeyey.