Sababta Turkiga ku qasbeysa ‘inay taageeraan’ ololaha doorashada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerada ay Turkigu toddobaadyadii tegay u muujinayeen ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo, ayaa laga yaabaa inay la xiriirto damaca Ankara kaga jira shidaalka Soomaaliya ee dhowaan la xaraashayo, waxaa sidaa sheegay aqoonyahan darsa siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa si ka duwandalalka kale ee beesha caalamka la kulmay guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, si uu aqoonsi u siiyo, taasi oo ka carreysiisay mucaaradka.

Sidoo kale, Ankara ayaa qorsheyneysa inay hub usoo dirto booliska Haramcad, kuwaas dowladda federaalka ay horey ugu adeegsatay arrimo siyaasadeed, taasi oo mucaaradka ay ka digeen.

“Ayada oo la guda galayo doorasho qaran oo dhow, xilligii faro-gelinta dalalka shisheeye ayaa furantay,” waxaa sidaas yiri Jędrzej Czerep oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan Barnaamijka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Machadka Arrimaha Caalamiga ah ee Polish (PISM).

“Turkey, oo tobankii sano ee tegay ahayd saaxiibka dhabta ah uguna muuqda ee Soomaaliya ee horumarinta iyo arrimaha bani’aadannimo, cayaarta hadda waa inaysan lumin booskeeda koowaad ka hor inta aan shidaalka Soomaaliya la kala qeybsan,” ayuu Jędrzej Czerep u sheegay wargeyska Arab News.

“Kahor xilliga doorashada, madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo wuxuu qaatay xaalad ah ‘inaan kuli helo iyo aan waxba heln’, si uu awoodda u adkeysto. Tani waxay saameysay dhex-dhexaadnimadii ciidamada ay Turkigu tababareen ee Gorgor iyo Haramcad,” ayuu yiri Czerep.

Sida uu sheegay Czerep, si ka duwan ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Danab, oo la-dagaalama Al-Shabaab kaliya, Haramcad iyo Gorgor waxay noqdeen kuwa loo adeegsado mucaaradka iyo maamul goboleedyada.

“Geyntoodii Galmudug ee bishii Febraayo ayaa saameysay xaaladdii doorashada. Ciidankan Turkigu tababareen waxay isku dhaceen Ahlu-Sunna Waljamaca. Sidoo kale, gobolka Gedo, ciidanka Haramcad iyo Gorgor waxay la dagaalameen ciidamada maamulka Jubaland,” ayuu yiri.

Ankara kama aysan jawaabin dhalleeceynta ka timid mucaaradka Soomaaliya, hase yeeshee faro-gelinta siyaasadeed ee ay sameyneyso ayaa loo arkaa qamaar siyaasadeed, sababtoo ah haddii Farmaajo looga adkaado doorashada, waxaa ku adkaan doonto la macaamilka kuwa ay hadda colaadineyso, haddii midkood uu kusoo baxo xilka madaxweynaha.