Ciidamo haya 250 kasoo goostay Al-Shabaab oo soo bandhigay arrin lagu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada qaabilsan ilaalada xarunta ugu weyn ee lagu dhaqan-celiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab ee Sarendi, kuna taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo baahi soo wajahday.

Mid kamid ah askarta ilaalisa xeradan oo la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii bilood ay ugu dambeysay aysan qaadan mushaar, sidoo kalena aysan heysan raashin.

“Annaga waxaa nahay ciidankii ka howlglayay dhaqan-celinta Soomaaliya, taas oo ah midda Shabaabka dadka kasoo goosta, cabashadaa aan qabno waxaa weeye qodobka koowaad waa mushaar la’aan, qodobka labaad waa garaam la’aan. Mushaarka wuxuu naga maqan yahay muddo saddex bilood ah,” ayuu yiri askariga la xiriiray Idaacadda VOA-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay gaarayaan illaa 86 askari, isla-markaana ay hayaan 250 qof oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay isku soo dhiibeen dowladda.

“Waxaa nahay 86 askari oo rag iyo dumar isugu jiro waxaana heynaa 250 kasoo goostay Al-Shabaab oo dhaqan-celin ahaan loo keenay xerada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Askarigan ayaa sababta ugu weyn ku sheegay in hay’adda IOM oo gacanta ku heysay xeradaas ay shaqada joojisay, kadib markii uu dhammaaday heshiiskeedii

“Horta sababta waxaa markii hore noogula sheegay qolooyinka deeq-bixiyayaasha ah heshiiskii inuu ka dhammaaday,” ayuu markale yiri.

Waxa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, isaga oo ka codsaday inay soo farageliyaan arrintooda, maadaama ay shaqo adag u hayaan qaranka.

Dhinaca kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo isna la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabashadaas, balse waxa uu tilmaamay in arrintaan heshiis laga gaaray bishii hore, IOM-na ay sii wadi doonto shaqada, isla-markaana shaqaalaha xarunta ay heli doonaan mushaaraadkooda, kadib March.

“Is jiid-jiid dheer kadib hadda heshiis ayaa laga gaaray oo ah inay hay’adda IOM howsha sii wado, marka heshiiska waa la saxiixay,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cali Xagaa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aSoomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegi doonto xarumaha dhaqan-celinta Al-Shabaab ee ku yaalla dalka.