GORGOR oo burburiyay maxkamadihii Al-Shabaab

Marka (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Gorgor, gaar ahaan guutada 14 October ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxayna burburiyeen maxkamado iyo baro koontarool oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmada Awdheegle iyo deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay deegaanada kala ah Jowhar Awdheegle, Ay-Buutey, Gumeysidiid, Kali Caafimaad iyo Buulo-naagey, kuwaas oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sidoo kale sheegay in ay ku raadjoogaan xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxsaday deegaanada ay maanta gacanta ku dhigeen.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan gobolka oo dhan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna kasoo abaabushaa qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada lagu beegsanayo Kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.