DF oo iibineysa kalluun lagu soo qabtay shirkado ajnabi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaacisay inay iibineyso kaluun si sharci darro ah doomo ajnabi uga kalluumeysteen xeebaha Soomaaliya, oo ay gacanta kusoo dhigtay.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dowladdu iibineyso 30 tan oo kaluun ah, kaasi oo dhawaan lagu soo qabtay doomo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha dalka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay iibinaysaa Kaluun si sharci daro ah looga kaluumeystay Xeebaha Soomaaliya kaas oo dhan 30-tan, oo ay Maxkamadda kula wareegtay warqadda sumadeedu tahay MGB/DDL/469, kuna taariikheysan 16-April-2023,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa waxay si gaar ah ugu socod-siisay wargelinteedan ganacsatada, shirkadaha ka ganacsada kaluunka iyo cid alaale cidii daneynaysa inay iibsato kaluunka ay soo bandhigtay ee 30-tan ah.

Kaluunka ay iibineyso dowladda ee sida sharci darada ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliya ayaa kala ah; nooca loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Maxkamadda kaasi oo ujeedkiisu ahaa iibin Kaluun.

Codsiyada iibka kaluunkan 30-tan ah ayaa waxa uu ku eg yahay muddo saddex maalin ah oo ka bilaabaneysa maanta oo taariikhdu tahay 19-ka April 2023-ka, kuan eeg 21-ka bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Waa markii u horeysay ee maxkamadda gobolka Banaadir ay si shaacsan u iibineyso kaluun si sharci daro ah looga kaluumeysanayay xeebaha Soomaaliyada, ayada oo dhawaan ay dowladda gacanta kusoo dhigtay doomo si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Doomahaasi oo tiradoodu dhameys laba, ayaa waxay dowladdu sheegtay in ka badan 30 sano inay si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya, kuwaasi oo laga lahaa dalka Iiraan.

Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka ah kaluumeysiga sharci darada.