Ciidamo horleh oo gaaray magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo gurmad u ah kuwa deegaanka ee SSC ay saacadihii u dambeeyay gaareen halkaasi.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay markii hore kasoo kicitameen deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Sool iyo Bari, waxayna wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada dheeraadka ah ee maanta gaaray Laascaanood ayaa ah kuwo hab beeleed u abaabulan, ayaga oo saacadaha soo socda gaari doona furimaha dagaalka ee duleedka magaaladaasi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli deganaan laga dareemayay xaaladda magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, inkasta oo laga cabsi qabo in dhinacyada isku horfadhiya halkaasi ay markale dagaalamaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore ugu eedeysay dagaalka Laascaanood inay qeyb ka yihiin dhinacyo kale oo barbar dagaalamaya kuwa deegaanka, halka ay eedeyntaasi waxba kama jireen ku tilmaameen SSC.

Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa sheegay in wada-hadal suurta-gal aheyn inta ciidamada Somaliland ku sugan yihiin gobolka Sool, ayada oo Somaliland dhankeeda ay dalbatay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xilli ay dowlada Itoobiya ay dhawaan billowday dadaallo nabadeed oo dhinacyada la iskugu soo dhaweynayo si xiisadda taagan xal looga gaaro, balse illaa hadda ma muuqato ifafaalo muujineysa arrintaasi.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa qaatay muddo bil ah, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale.