‘Ciidamo horleh oo Puntland ka goostay oo is-dhiibay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay saraakiil iyo ciidan hor leh oo kasoo goostay maamulka goboleedka Puntland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland.

Saraakiisha iyo ciidamada kasoo goostay ciidamada difaaca Puntland ayaa waxa deegaanka Goojo-cadde ku qaabilay Taliyaha ciidanka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool.

Ciidamadaan ayaa lagu sheegay tiradoodu inay gaareyso tobaneeyo, kuwaasi oo sitay saanadoodii millateri ee ay kala soo goosteen maamulka Puntland oo dagaal kala dhaxeeyo Somaliland.

Saraakiisha iyo ciidamadaan kale ayaa waxa lagu wadaa in la mariyo nidaamka qarameynta ciidamada Somaliland, waxayna kamid noqon doonaan ciidamada ka howl-gala xuduuda Somaliland ee dhanka Puntland.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa muddo badan ka dhaxeeya dagaal dhanka xadka ah, waxaana dhowr jeer dagaalo ku dhex-mareen deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, oo ay isku hayaan gacan ku hayntooda.