Sawirro: Ceeb iyo hadal hayn ka dhalatay tallaabo ay DF u qaaday dhanka Ruushka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ceeb iyo hadal hayn badan ayaa ka dhalatay kulan maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan iyo safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovanov. 

Sawirrada kulanka oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa waxaa ka muuqda calanka Netherlands, kaasi oo dowladda ay ku qaladay kan Russia.

Waxaa durbadiiba baraha bulshada Soomaalida, iyo xitaa kuwa ajaaniibta qabsaday hadal haynta qaladka ka dhacay dowladda Soomaaliya iyo sida ay ku dhacday inay kala garan weyday labada calan ee Netherlands iyo Russia.

Soomaalida qaarkeed ayaa dhacdadan u adeegsanayey ereyo ay ka mid ah yihiin “waa iska sidan marka xilka lagugu siiyo ilmo adeernimo,” ayaga oo ula jeeda in Belel ay isku beel yihiin Farmaajo, islamarkaana uu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu dhow.

Hase yeeshee fadeexadda ka dhalatay calanka waxaa ka weyn saameynta siyaasadeed ee kulanka iyo tallaabada ay dowladda u qaaday dhanka Ruushka, oo la rumeysan yahay inay kusii dhowaaneyso xilli ay kala furteen dalalka reer galbeedka ee Mareykanka iyo Yurub.

Tallaabada ay qaaday dowladda ayaa muuqata mid uga jawaabeyso hanjabaadii Mareykanka iyo Midowga Yurub, islamarkaana ugu direyso farriin ah in haddii Mareykanka xiriirka u jaro inay soo dhoweysaneyso Ruushka oo ay xifaaltamaan.

Caasimada Online ayaa 7-dii April qortay xog gaar ah oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM.

Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka.

Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah.

Si kastaba, xitaa haddii Ruushka iyo Shiinaha ay dowladda ka hor-istaagaan qaraarada golaha ammaanka, waxaa xusid mudan in Mareykanka iyo Yurub ay saari karaan cunqabateyno iskood ah, maadaama dhaqaalaha caalamka oo idil ay inta badan ayaga maamulaan.