Shir xasaasi ah oo u socda Qoor Qoor, Guudlaawe iyo musharaxiinta iyo go’aan la filayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka socda shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha maamullaad Galmudug iyo HirShabelle iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.

Kulankaan oo soo bilaawday afurkii kadib ayaa ka socda guriga Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu ka deganyahay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa mudo kororsiga loo sameeyey hey’adaha dowladda federaalka.

Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ay ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan mudo kordhinta ay xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo HirShabelle ayaa laga sugayaa inay si cad u diidaan mudo kororsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankaas ku cadaadinaya muharaxiinta mucaaradka ah oo badankood ay isku heybyihiin.

Habeeno ka hor warbaahinta dowladda ayaa lagu faafiyey warqad laga qoray Madaxtooyada, taas oo lagu muujinayey in seddaxda maamul goboleed ee taabansan dowladda federaalka ay taageersan yihiin mudo kororsiga, balse Galmudug ayaa dib ka beenisay ku lug-lahaanshaha warqadaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda mid aan ogoleyn mudo kororsiga Farmaajo, hadana waxa uu ku dhiiran la’yahay inuu cadeeyo mowqifkiisa, markii laga reebo in mar uu warbaahinta ka sheegay in uusan taageeri doonin mudo kororsi.

Midowga Musharaxiinta ayaa labadan madax goboleed culeys ku saraya inay ka hor yimaadaan mudo kororsiga xukuumadda Farmaajo, taas oo hadii ay dhacdo noqoneysa tallaabo fududeysa in Madaxweyne Farmaajo laga hor istaago mudo kororsiga.