Ciidamo Hubeysan oo awood kula wareegay Xarunta Dowlada Hoose

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka ay ay la wareegen xarunta dowladda Hoose ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Ciidamadaani ayaa ku hubeysnaa Gaadiid dagaal iyo Hub kala ceyn ah, waxaana la sheegayaa inay ahaayen kuwo gadoodsanaa.

Ciidamadaani ayaa irdaha isugu dhuftay Xafiisyada xarunta dowladda Hoose, iyaga oo shaqaalaha iyo howlwadeenada kale u diiday inay galaan xarunta ama ay ka dhex shaqeeyaan.

Gadoodka ciidamada la wareegay xarunta ayaa ka danbeysay kadib markii muddo 9 bil ah Ciidamadaasi aysan wax Mushaar ah qaadanin.

Ciidamada ayaa diiday inay ka baxaan xarunta waxa ayna sheegen in xaruntaasi ay ka bixi doonaan keliya goortii la siiyo xuquuqdooda.

Dhanka kale, Saraakiisha iyo ciidamada gadoodka kula wareegay xarunta ayaa sheegay in mudada uu mushaarka ka maqan yahay loo dhigaayay balamo been ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com