Ciidamo hubeysan oo xiray isku socodka Beledweyne kadib xil ka qaadistii Jeyte

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan ay xireen isku socodka magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa saaka kusoo toosay iyada oo ciidamadaan ay xireen isku socodka magaalada, xilli xil ka qaadis uu madaxweynaha maamulka HirShabeelle ku sameeyay gudoomiye Cali Jeyte.

Ciidamada ayaa la sheegaya inay yihiin Macawiisleey, waxayna xirteen wadada ugu muhiimsan ee laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee gudaha magaalada Beledweyne illaa garoonka diyaaradaha.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaan, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidanka Macawiisleeyda ay kasoo horjeedaan tallaabadii xalay saq-dhexe uu Cali Guudlaawe xilka uga qaaday Cali Jeyte.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo ku aadan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu arrinkaasi ka hadlo Jeyte.

Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte oo la baahiyay xalay saq-dhexe ayuu madaxweyne Guudlaawe waxa uu xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).

Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba “mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowlad-goboleedka HirShabeelle.

Si kastaba, Cali Jeyte ayaa waxaa lagu xasuusta doorkii weyna ee uu kasoo qaatay wejiga hore ee dagaalka Al-Shabaab, ee looga xoreeyay kooxda guud ahaan Bariga gobolka Hiiraan, markii dambena ku faafay inta badan ee gobollada dalka.

Hiiraan ayaa xudun u aheyd kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi.