Ciidamo isku diyaarinaya inay duulaan ku qaadaan Ceelbuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli si xawli ah u socda howl-gal militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo horjeedaan ururka Al-Shabaab.

Howl-galada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa inta badan gobolka Hiiraan looga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saaray deegaano ay 13 sano ku sugnaayeen, ayada oo markii u horeysay ay ciidamada dowladda isku fureen jidka isku xira Buula-Burte iyo Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu haatana dhaq-dhaqaaq militari oo xoogan laga soo sheegaya gobolka Galguduud oo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin magaalada Ceel Buur.

Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”

Howl-galkaan ayaa imanaya xili ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanada oo is-garabsanaya ay dardar xoogan ku wadeen dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saarayay inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolka.